Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Muqdisho Ku Qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay

Read Time:45 Second

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Mudane Adam Abdelmoula, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Wasiirka iyo Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo dadaallada lagu xoojinayo heerarka gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobay ayaa kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya taageero gaar ahaan arrimaha dib u dhiska dalka, siyaasadda, iyo waliba arrimaha Bini’aadanimada.

Dhanka kale waxaa wasiir Cabdisasiid oo hadda ah wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya uu wadaa shaqo dardar leh oo ku aadan sidii Soomaaliya aduunka kale wax ula qeybsan laheyd isagoo mar walba mudnaanta siinaya dhinacyada ugu muhiimsan ee Soomaaliya waxtarka uleh.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
1 100 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %