Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka UAE ee Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo qaabilay Safiirka UAE ee Soomaaliya

Muqdisho, September 13, 2017 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ambassador Yusuf-Garaad Omar Ahmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya H.E. Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraat-ka carabta kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo iskaashi miro-dhala.

Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka shaqeynaya dano wadaaga.

Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi, waxa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.

Kulanka oo ku idlaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Carabta Mr. Mustafa Adam Dagaal iyo kaaliyaha gaarka ah ee xafiiska Wasiirka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!