Wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Federaalka oo qaabilay danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Read Time:36 Second

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u jooga Soomaaliya,  Xasan Bin Xamsa Asad, oo booqasho sharafeed ugu yimi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen arrimo quseeeya Xiriirka labada Dal Soomaaliya iyo Qatar.

Waxaana si gaar ah ay diiradda ugu saaareen kulankooda xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qadar.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida dhaw u taageera dowladda Federalka ee uu madaxweynaha u yahay Mudane Maxamed Farmaajo.

Qatar ayaa Soomaaliya ka taageertay dhowr mashaariic oo horumarineed iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dhistay wadooyin isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %