Wasiirka Arrimaha dibada soomaaliya oo u ambabaxay dalka Mareykanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arrimaha dibada soomaaliya oo u ambabaxay dalka Mareykanka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho , iyagoo ku wajahan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , halkaas oo uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.Shirka golaha ammaanka ay ka yeelanayaan arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa waxa uu socon doonaa maalmaha 6-8 bisha March.Sanad ka hor ayaa xubnaha golaha ammaanka ee ka kooban 15-ka xubnood ay isla ogolaadeen in qeyb laga qaado cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya , si dowladda Soomaaliya ay ugu suura-gasho inay soo iibsato hubka fudud.Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Saciid Jaamac Qorsheel, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Burci Maxamed Xamza iyo diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.