Mareeg.com-Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdusalaam Hadliye Cumar oo lacag dhan $35,489 Dollars lagu yeeshay hoteel uu deganaa in ka badan muddo 3 bilood sida ku cad sawirada hoteelka uu isaga soo dhex qaaday iyo qarashka hoteelka warqada ku qoran, hoteelkaas oo ku yaala magaalada Muqdisho KM 4 laguna magacaabo Giyaajo Hotel oo ah hoteel yar. Warar qarsoodi ah, documents, sawiro aan ka helnay ilo madax banaan oo na soo dhamaan macluumaadkaas ayaa waxay sheegayaan in wasiir Cabdusalaam bixin la’a yahay deyntaas hoteelka lagu leeyahay, oo bedelka bixinta deyntaas, ayuu wasiirka door biday inuu sameeyo balanqaad ah jago safiirnimo inuu u magacaabo milkiilaha Hoteel Giyaajo oo lagu magacaabo Faarax Giyaajo ee lacagta deynta ku leh wasiirka. Sida ku cad warqadaha ay is dhaaf sadeen milkiilaha hoteelka iyo wasiirka arrimaha dibada.
Wasiir Cabdusalaam ayaa sida aan wararka ku helayno si uu xal ugu helo deyntaan u soo jeediyay milkiilaha Hotel Giyaajo oo lagu magacaabo Faarax Giyaajo in uu u magacaabi doono safiirka Soomaaliya u fadhin doona Turkey “resume giisana” u soo diro waa haddii deynta wasiirka lagu leeyahay la baabi’iyo oo laga cafiyo iyadoo qidmad dheeri ahna uu bixiyaa milkiilaha Hoteel Giyaajo oo howlaha fududeynta jagadaas safiirnimo ee turkiga lagu fuliyo waa haddii lagu guuleysto magacaabistiisa sida ku cad warqadaha ay is dhaafsadeen wasiirka iyo milkiilaha.
Hoteel Giyaajo ayaa maalgelintiisa iyo dhismahiisa waxaa gacan buuxda ka geystay shirkadii Shulman Rogers iyo dalaaleydii Muuse Ganjab, Cabdicasiis Giyaajo oo hay’adda dabagalka UN ee loo yaqaan UN monitoring Group ku eedaysay xatooyo lacag shacabka Soomaaliyeed lahaayeen oo bangiyada adduunka ku xayibneed. Muuse Ganjab iyo Cabdicasiis Giyaajo oo lacagtii shacabka Soomaaliyeed ka lunsadeen ayaa maalgashi xoog leh oo lagu qiyaasay lacag dhan 2 milyan dollars oo lacagtii shacabka Soomaaliyeed ku maalgeliyay Hoteel Giyaajo oo ku yaala KM 4 isgoyskiisa. Muuse Ganjab iyo Cabdi Casiis Giyaajo ayaa aad ugu hami weynaa in jagada safiirka Soomaalida loo magacaabo ina adeerkood Faarax Giyaajo oo ah milkiilaha hoteelkaas oo dhaxal ahaan u wada leeyihiin hotelkaas walaalkiis Cabdicasiis Giyaajo oo ahaa dalaalka iyo wakiilka shirkada Shulman Rogers.
Hay’adda UN monitoring group ayaa wasiir Cabdusalaam Hadliye Cumar horay ugu eedeysay musuq maasuq oo uu xilkiisa gudoomiyaha Bangiga dhexe ku waayay xilli sanad iyo bar laga joogo. Wasiir Cabdusalaam Cumar, Muuse Ganjab iyo Cabdicasiis Giyaajo ayaa si weyn ula shaqeeyay shirkadii Shulman Rogers ee lunsatay hantida shacabka Soomaaliyeed lahaayeen ee taalay bangiyada caalamka, xilligaas oo Wasiir Cabdisalaam iyo dalaaleyda shirkada Shulman Rogers Muuse Ganjab iyo Cabdicasiis Xassan Giyaajo xiriir dhow yeesheen iyadoo Hoteel Giyaajo soo dejiyeen Wasiir Cabdusalaam Cumar oo aan wax guri ah ku laheyn magaalada Muqdisho degaankiisana ahaa Nairobi, Kenya, Wasiir Cabdusalaam ayaa Giyaajo Hoteel deganaa ilaa looga magacaabo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo deyn lagu yeeshay ugu danbeyna dawlada wasiir markay u magacaawday u guuray guri dawlada kiradiisa ay bixinayso.
Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdusalaam Cumar oo lacagta deynta hoteelka ee loo heysto aanan weli bixin ayaa milkiilaha hotel Giyaajo Mr. Faarax Giyaajo u soo jeediyay inuu Resume giisa u soo diro wasiirka sida ku cad resume uu u diray ee aad hoos ka dheehan kartiin. Ilo xogogaal ah warar aan ka helnay ayaa tibaaxaya in arrintaan magacaabista safiirka Turkiga ee lala doonayay inuu noqdo milkiilaha Giyaajo Hoteel Mr. Faarax Giyaajo uu hor istaag uu ku sameeyay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud intii uusan u kicitamin safarkii Sharmul Sheikh, ee wadanka Masar. Arrintaan ayaan xiriir kala sameynay milkiilaha Hoteel Giyaajo Mr. Faarax Giyaajo isagoo aad uga carooday fashilka ku yimid arrinkaan iyo sirtaan dibada u soo baxday.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.