Wasiirka Arrimaha dibada oo ka qeybgalay shirka ururka iskaashiga islaamka

Read Time:40 Second

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Islamabaad ee dalka Baakistaan kaga qayb galay, Meertada 17-aad ee Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirkan ayaa looga hadlayey wax ka qabashada xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta dalka Afgaanistaan.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa muujiyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadka reer Afgaanistaan, isaga oo Ururka Iskaashiga Islaamka iyo guud ahaan Beesha Caalamka ugu baaqay in xal degdeg loo helo xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Dalkaas.

Mudane Cabdisaciid ayaa isla Todobadkan ka qeyb galay shirka wadamada Turkiga iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Istanbul isagoo sidoo kale halkaas kula kulmay wasiiro arrimo dibadeed oo ka socday dalal dhaca qaaradda Afrika.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %