
Muqdisho, Mareeg.com: Ra’isalwazaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan C/lle Cismaan ee magaaladda Muqdisho iyadoo ku sii jeedda magaaladda Brussells ee xarunta dalka Biljamka.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya ayaa dalka Biljamka magaala Brusells uga qeyb galeysa shirweynaha oo ah shirweynaha horumarinta wadamada Midowga Yurub oo diiradda lagu saari doono sidii loo gacan qaban lahaa wadamada kaalmadda u baahan oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in safarkeedu ku wajahanyahay magaalada Brusselis oo ay kaga qeygaleyso shirweynaha “EU Development Conference”.
Mareeg.com