Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya oo gaaray dalka Masar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya oo gaaray dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdusalam Hadliye Cumer ayaa gaaray maanta Magaalada Cairo ee caasimadda dalka Masar , si uu uga qeybgalo Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed oo beri oo Isniin ah ka furmi doona Xarunta Jaamacadda Carabta.

Dr. Cabdusalam Hadliye ayaa ka jeedin doona khudbad fadhiga Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta oo uu kaga hadli doono horumarada ay ku dhaqaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016 .

Waxaa la qorsheeyay in Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ay kaga hadlaan kulankooda arrimaha ka taagan wadamada Soomaaliya, Libya, Syria, Yemen iyo Palestine, waxa ayna u gogol xaari doonaan shir madaxeedka carbeed ee lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Sharmel-Sheikh 28-29 bishan Maarso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeelan doona qaar ka mid ah Wasiirada iyo danjirayaasha shirkaasi lagu casuumay, oo uu kala hadli doono danaha Soomaaliya kala dhaxeeya dowladahaas.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!