Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland: Wada Hadalladii Soomaaliya Iyo Somaliland Ayaan Axadda U Baxeynaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland: Wada Hadalladii Soomaaliya Iyo Somaliland Ayaan Axadda U Baxeynaa

Hargeysa, Mareeg.com: Wadahadalladii u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa iney todobaadkaan dib uga bilaabmaan dalka Turkiga, kadib muddo hakad ku jiray.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Fderaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo Soomaaliya ay dalka Turkiga ka furmi doonaan todobaadka fooda inagu soo haya.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlayey Radio Hargeysa ayaa in wafdiga maamulka Somaliland uu Turkiga u ambabaxyo maalinta axadda ah ee beeri ah.

“Shirkii Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu dhacayaa Turkiga, waxaanu ka qabsoomi doonaa saddex cisho ka dib, weftigii Somaliland uga qeyb galayay waxaanu Somaliland ka baxaynaa Axadda” ayuu yiri wasiirka arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa beeniyey warar dhawaan ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Somaliland oo sheegayey in wada hadalkii burburay.

“Wararkan la isla dhex marayo ee aanay waxba ka jirin dadku inay rumaystaan ma aha, wada hadallo burburayna ma jiraan, wada hadaladu way socdaan waanan ka shaqaynaynaa,”ayuu yiri Wasiir Maxamed Biixi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan isaguna sheegay in wada hadalkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka ah iyo maamulka Somaliland dib loo bilaabi doono bishaan Janaayo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!