Muqdisho – (Mareeg.com): Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa Muqdisho u yimid si uu uga qeyb-galo xiritaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha Jubbooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho.
Wasiir Tedros Adhanom ayaa door weyn oo dhexdhexaadineed ku lahaa heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhex maray dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba dabayaaqadii bishii August ee sanadkaan, heshiiskaasoo waxyaabihii kazoo baxay ay qeyb ka aheyd shirka hadda ka socda Muqdisho ee looga hadlayo arrimaha Jubooyinka.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wasiirka ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka markii uu soo dagayay wasiirka.
Kulanka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay dowlada Ethiopia oo uu ka mid ahaa Gabre. Kulanka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa waxa lagu heshiiyay qoddobo kala gedisan oo lagu wado in dhowaan lagu dhowaaqo.
Shirka ayaa lagu filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbada heshiiska. Wejiga labaad ee shirkan ayuu qorshuhu yahay in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Mareeg.com