Wasiirka Arrimaha Debadda Itoobiya oo ka degay Kismaayo

Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom ayaa maanta oo axad ah gaaray magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose.

Kismaayo ayaa la filayaa in maalinta berri uu ka furmo shirka wada tashiga ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016 ka dhacaya dalka.

Mr Adhanom ayaa waxaa uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxda Maamulka Jubbaland, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka madasha wada tashiga ee hanaanka doorashooyinka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Urur goboleedka IGAD ay door ka qaadan doonto sidii madaxda Soomaalida ay isku raaci lahaayeen hanaan doorasho oo dalka ka dhaco, iyadoo wali aan la isku raacin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, marka uu dhamaado waqtiga dowladda hada jirta oo ku eg dabayaaqada sanadka 2016.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ka degay xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo diblomaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shirka arrimaha Hiigsiga looga hadlayo.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa dhowaan gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo tagitaankooda magaalada lagu sheegay ka qeyb qaadashada sugida amniga magaalada iyo howl galada lagula jiro Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha debadda Itoobiya ayaa la kulmay saraakiisha hogaamineysay ciidamada dalkiisa ka jooga Kismaayo, isagoo kala hadlay sugidda amaanka iyo la dagaallanka Alshabaab.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245