Wasiirka arrimaha debadda Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Puntland oo kulmay Addis Ababa

Read Time:41 Second

Addis Ababa – Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa la kulmay wasiirka arrimaha debadda dalkaas Tedros Adhanom.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhanom ayaa qoraal uusoo dhigay bogga xiriirka bulshada ee Facebook ku sheegay inuu Axaddii shalay magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Tedros Adhanom ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay sii wadi doonto xiriirka iyo taageerada ay u fidiso maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka Jimcihii Al-Shabaab ay ku qaadday xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen dhowr qof.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas waxa wehelinaya wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka warfaafinta Cabdiweli Indhoguran, taliyaha guud ee ciidanka Puntland Gen. Siciid Dheere iyo hawlwadeeno ka tirsan madaxtooyadda.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.