Wasiirka Arimaha dibada Turkiga Oo la kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Arimaha dibada Turkiga Oo la kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya

Mareeg.com-Wasiirka Arimaha Dibada wadanka Turkiga Davutoğlu ayaa kulan kula kula qaatay Magaalada Addis ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxmuud .Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxmuud ayaa waxa ay kawada hadleen sidii dowlada Turkiga ay xiriir dhanka dhaqaalaha ula samayn lahyd wadamada Africa oo Soomaaliya ka mid tahay iyo hormarinta dhanka Beeraha ee Qaarada Africa.Dhanka kale Magaalada Addis ababa ee Xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxaa shalay ka furmay Kulanka 22 ee cadiga ah,  oo ay isugu yimaadeen  Hogaamiyaasha Midowga Africa, waxayna Hogaamiyasha kulankoda labada maalin qaatay ay diirada ku saareen  Colaadaha ka jira Qaarada Africa sida Wadanka Sudaanta Koonfured iyo Jamhuuriyada Africada dhexe, Soomaaliya iyadoo maanta si rasmi ah la filayo marka loo soo xiro kulanka Madaxeedka Africa in laga soo saaro Warmurtiyeedyo ku aadan shirkooda iyo waxyaabaha laga wadahadlay.Kadib marka maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyo Kulanka labada maalmood qaatay ee Hogaamiyasha Midowga Africa waxaa sidoo kale Addis baba ka furmaya kulan kale oo Urur Gobaleedka IGAD ay ku yeelanaayaan halkaasi, kaas oo diirada lagu saari doona Howllgalada Nabad ilaalineed ee Qaarada Africa ka socda sida kan Soomaaliya ka socda ee   AMISOM loogu magacdaray  iyo waliba ku soo biritaanka ay Ethiopia dhawaan ku soo biirtay howgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!