
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa muhiimadda uu leeyahay xeerka la dagaalanka Argagixisada ku sheegay inuu yahay sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al Shabaab.
Wuxuu sheegay Wasiir Isloow in xeerkan uu ka kooban yahay Afar qeybood oo ka kooban 37-Qodob, sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in xeerkan uu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ah, isagoo dhanka kale cadeeyay inuu xeerkan la jaan qaadayo qaraarada la dagaalanka iyo ka hortaga Argagixisada ee ka soo baxa Qaramada Midoobay.
Wasiirka oo shalay hortagay Golaha Shacabka ayaa cadeeyay in faa’idada uu xeeraan leeyahay ay tahay inuu si cad u qeexayo wuxuu yahay Argagixiso iyo fal argagixiso, wuxuuna adkeynayaa cadaalada iyo dabagalka, xaqiijinta iyo cadeynta danbiyada Argagixisada.
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ka doodeen Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin.
1:Ansixinta Soojeedinta Guddiga Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda 2018
2:Akhrinta1-aad hindise Sharciyeedka ladagaalanka Arggagixisada
3:Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.