Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Xalay Kormeeray Sugidda Amaanka Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Xalay Kormeeray Sugidda Amaanka Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka Aminga Qaranka Soomaaliya C/karim Xuseen Guuleed ayaa xalay kormeeray howlgal ay hey’adaha ammaanku ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kormeerkan xalay ee wasirka amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo ku xigeenkiisa Ibraahim Isaaq Yerow ayaa waxaa ku wehliyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiim Daahir Saacid, Agaasimaha hay’adda nabad sugidda Qaranka Bashiir Goobe iyo saraakiil kale.

Ujeeddada kormeerka mas’uliyintan ay xalay ku soo mareen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo isgoysyadooda ayaa waxaa uu ahaa sidii ay ugu kur geli lahaayeen xaaladaha amni ee deegaannadaasi oo mudooyinkan dambe kooxaha argagixisadu ay isku dayayeen iney qal qal geliyaan ammaanka.

Isgoysayda ay xalay mas’uuliyiintan kormeerka ku tageen ayaa waxaa ka mid ah Ex-control Balcad, Ex-control Afgooye, Wadada Warshadaha, Dayniile, Howlwadaag, iyo meelo kale.

Deegaanada ay kormeereen wasriika iyo mas’uuliyiinta kale ee amaanka ayaaa waxaa ku sugnaa ciidamo amaan, lamana sheegin wax weeraro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Siciid ‘’Saacid’’ ayaa sheegay in dadka ku nool Muqdisho laamaha amaanka ku caawiyaan howlaha amaan ee ay magaalada ka hayaan.

General C/xakiin Daahir Siciid ‘’Saacid’’ ayaa uga mahadceliyay dadka ku nool deegaanada ay xalay kormeereen sida ay uga qeyb qaaateen sugida amniga wuxuuna u balan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah ay siin doonto dadkaasi.

Wasiirka amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay sida dadka deegaanka ay u garab taaganyihin laamaha amniga Qaranka osagoo xusay in qof walboo muwaadin ahna ay mas’uuliyad ka saarantahay sugida amniga dalka.

Kormeerka xalay ay sameeyeen mas’uuliyiinta ugu sarreeya wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa ka dambeeyey amar uu shalay bixiyey Raysul Wasaare C/weli Sheekh Axmed oo ku saabsanaa in hay’adaha amaanku jawaab cad ka bixiyaan madaafiic labo habeen oo isku xogta ku dhacay Muqdisho.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!