
Sida lagu sheegay fariin Balameedka loo diro Xildhibaanada, Waxaa Maanta kulmaya Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Golaha Shacabka waxa maanta ku hor tagaya Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, waxa uuna Marinayaa Aqrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka la Dagaalanka Argagixisada.
Sidoo Kale Ajendayaasha oo Saddex ah waxaa kale oo ay Baarlamaanka guda Galayaan, Aqrinta 1-aad Xakameynta Hubka Wax Dila iyo Ansixinta Soo Jeedinta Guddiga Maaliyadda.
Golaha Shacabka JFS ayaa maanta oo ah Arbaco Taariikhda ay tahay 22/11/2017 waxa ay yeelan doonaan Kulankooda Caadiga ah.
Ajendaha kulanka ayaa ah ilaa Sadax qodob
1:Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka la Dagaalanka Argagixisada.
2:Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta hubka wax dila.
3:Ansixinta soo jeedinta Guddiga Maaliyadda.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hor yaalla Ajendayaal badan, Waxayna Gudoonka Baarlamaanka ay sheegeen in dar dar gelinayaan guda galista Ajendayaasha Hor yaalla.