Wasiirka Amniga Somalia oo kashifay shaqo xumada saldhigyada booliska Banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Amniga Somalia oo kashifay shaqo xumada saldhigyada booliska Banaadir

Mareeg.com: Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xalay kormeer kedis ah ku tegay 4 ka mid ah saldhigyada booliska Gobolka Banaadir.

Sladhigaya uu wasiir C/razaaq booqday ayaa kala ahaa: Saldhigayada booliska Hodon, Waabari, C/caziiz iyo Shangaanni.

Wasiirka ayaa markii uu dhameystay kormeerka shir jaraa’id ku qabtay saldhiga booliska Shangaanni ayaa sheegay in saldhigyada qaar ay ka muuqatay habassanaan, halka qaarna ay wanaagsanaayeen.

“Kormeer kedis ah ayaa ku tagay Saldhigyada booliska degmooyinka qaar, waxaa kormeereyneynay shaqada heeganka ee ay ku jiraan, wax xun iyo wax fiicanna waan kusoo aragnay” ayuu yiri Wasiir Cabdirizaq.

“Saldhigyada qaar wey iska roonaayeen, qaarna habacsanaan ayaa ka muuqatay, wixii khaldanna waa la sixi doonaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga Soomaaliya.



Wasiirka ayaa sheegay in amniga magaaladu wanaagsan yahay, “Muhiimada waa amniga magaalada oo wanaagsan” ayuu yiri C/razaaq Cumar Maxamed.

Kormeerka uu wasiirka Amniga Soomaaliya ku tegay qaar ka mid ah saldhigyada booliska Muqdisho, iyo dhaliisha uu jeediyey ayaa kusoo beegantay xilli dhawaanahan habeenkii Muqdisho lagu arkay booliska Soomaaliya iyo AMISOM oo roondeynaya.

Saldhigyada booliska gobolka Banaadir ayaan qaban shaqo badan, taasoo ka dhalatay ciidanka oo ku yar iyo mushaarka oo aan askarta si joogto ah loo siinin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!