Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Britain

London – Mareeg.com: Wasiirka amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada London ee wadanka Ingiriiska, halkaasi oo lagu wado in uu kulan kula qaato mas’uuliyiin ka tirsna dowladda Britain.

Wasiirka iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Ingiriiska danjire San-baloolshe.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa inta uu ku suganyahay dalka Britain waxa uu la kulmi doonaa madaxda amniga ee wadankaasi, iyadoo wafdiga wasiirka ay booqashadooda qaadan doonto muddo 5 cisho ah.

Talaabadaan ayaa qeyb ka ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexesay iyo sidii ay dowladda Britain gacan uga geysan lahayd xasilinta Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay ee wasiirka amniga qaranka Soomaaliya, C/kariim Xuseen Guuleed uu booqasho ku tago dalka Ingiriiska.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245