Wasiirka Amniga Qaranka oo aan si buuxda uga jawaabin qaar ka mid ah wediimaha baarlamanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Amniga Qaranka oo aan si buuxda uga jawaabin qaar ka mid ah wediimaha baarlamanka

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka Aminiga Qaranka Soomaaliya C/kariim Xuseen oo shalay maalintii 2-aad baarlaamanku su’aalo kulkulul weydiiyey ayaa si aan buuxin uga jawaabay qaar ka mid ah su’aalihii la weydiiyey, isagoo weliba sheegay inuusan wax kala socon arrimaha qaar oo ay tahay in la weydiiyo taliyaha nabadsugidda Soomaaliya.

Inkastoo wasiir Guuleed ka jawaabay su’aalo badan, maantana maalintii 3-aad su’aalo kale u yaallaan baarlamaanka ayaa u muuqday wasiir aan xi buuxda u heyn xogta howlaha wasaaraddiisa oo ah wasaarad qabata howl adag oo ah shaqada amaanka.

Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay wasiir Guuleed weydiiyey sida loola dhaqmay dhallinyaro ka kooban 45 xubnood, kuwaasoo xildhibaanku sheegay iney la shaqeeyeen laamaha amaanka Soomaaliya, markii dambana codsaday in lagu biiriyo ciidamada amaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhallinyaradaas lagu soo oogay dacwad ah iney Alshabaab yihiin, kadibna lagu xareeyey xero Sarandi ee degmada Xamar-jajab.

Wasiir Guuleed oo arrintaas ka jawaabayey ayaa sheegay in dhallinyaradaas 45 ah markoodii hore ahaayeen Alshabaab iska soo dhiibay dhanka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Dhallinyaradaas 45 ah waxaa xafiiskeyga lagu soo wargeliyey iney ahaayeen Shabaab isi soo dhiibay, kadib waxaa ila soo xiriiray xildhibaan wasiirna ah oo kazoo jeeda deegaanka ay iska soo dhiibeen, wuxuuna ii sheegay ineysan arrintu sidaas aheyn, kadibna waxaan amar ku bixiyey in la baaro kiiskooda, arrintoodu meel ay ku dambeysana kama warhayo, laakiin waxaa jooga taliyaha nabadsugidda!!” ayuu yiri wasiirka amniga qaranka Soomaaliya, C/kariim Xuseen Guuleed.

Sidoo kale, waxaa wasiirka la weydiiyey qiso ka dhacday degmada Qoryooley oo ku saabsaneyd nin gaari watay oo halkaas laga soo qabtay, intii ciidamada nabadsugiddu wadeenna qarax lala beegsaday, iyadoo qaraxaasi sababay dhimasho 2 askari iyo dhaawaca dhowr kale iyo ninkii tuhunka loo soo qabtay.

Wasiirka oo la weydiiyey halka uu ku dambeeyey ninkaas eedeysnaha ahaa ee dhaawacmay ayaa sheegay in markii hore loo filayey in dhaawaca ninkaasi uu yahay mid fudud haye ahaatee uu dhaawaciisu noqday mid culus, lana dhigay isbitaalka Madiina, kadibna uusan ka warheyn halka xaalkiisu ku dambeeyey balse la weydiinayo taliyaha sida uu yiri.

Wasiirka ayaa sidoo kale diiday inuu ka jawaabo qaar ka mid ah su’aalaha baarlamaanka, isagoo sabab uga dhigay iney yihiin arrimo halis ah oo aan banaanka la dhigi Karin.

Shalay waxaa baarlamaanka sidoo kale su’aalo weydiiey wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/llaahi Goodax Barre iyo taliyaha waaxda socdaalka, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud. Baarlamaanka ayaa maanta 50 su’aalood u haya labada wasiir iyo taliyaha waaxda socdaalka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!