Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Amniga Oo Maanta Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa ka qeyb galaya shir lagu heshiisiinayo labo beelood oo ku dagaalamay deegaan hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maalin ka hor u qabtay shir hordhac odayaasha ka soo jeeda deegaanka lagu dagaalamay, waxaana la isku afgartay in xalka laga gaaro dagaal beeleedkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!