Wasiirka amniga maamulka Jubba Land oo sheegay in weerarkii Hotel Nasaa-hablood ay fuliyeen rag Kenyan ah.. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka amniga maamulka Jubba Land oo sheegay in weerarkii Hotel Nasaa-hablood ay fuliyeen rag Kenyan ah..

C/Rashiid Janan,waxaa uu sheegay in weerarkii 25 Juun lagu qaaday Hotelka Naasahablood Kow ee ka dhacay Muqdisho,ay geysteen Dad Kenyaan ah oo ka tagay Mandheera.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland C/Rashiid Xasan C/Nuur oo shalay magaalada Mandheera kula kulmaya madaxda Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaabka ka dagaallama gudaha Soomaaliya aysan kaliya Soomaali ahayn,islamarkaana weerarrada qaar ee ka dhacay Muqdisho ay fuliyeen Dad Kenyaan ah.

 

Labada dhinac ayaa ka wada hadlayay sida loo xoojinayo amniga Xadka Soomaaliya iyo Kenya,waxaana uu halkaas ka sheegay magacyada Raggii fuliyay weerarka Naasa hablood iyo kuwo kale oo qorsheeyay weerarro guuleystay oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Janan,ayaa Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia,kala hadlay sida ay labada dhinac isaga kaashan karaan sugidda amniga Xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana uu Guddoomiyaha Mandheera bogaadiyay heshiiska ay ka gaareen.

C/Rashiid,waxaa uu sheegay in Issack Dyati, Yuusuf Cabdi iyo Issack Gola, ay ka mid ahaayeen raggii fuliyay weerarkii Hotelka Naasahablood islamarkaana ahaayeen muwaaddiniin Kenyaan ah.

Waxaa uu sheegay in hadda Al-shabaab aysan ahayn kaliya Soomaali haddii ay weerar ka fulinayaan Kenya iyo Soomaaliyana ay yihiin Al-shabaab kala waddamo ah.

Kulankaas ayaa Jubbaland waxaa ku matalayay Wasiirka Amniga,Guddoomiyaha Gedo Maxamed Nuur Buulle iyo Wassir ku xigeenka Amniga Max’ed Cabdi Kaliil.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!