Wasiirka Amniga Iyo Ganacsatada Oo Ka Wadahadlay Amaanka Suuqa Bakaaraha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka Amniga Iyo Ganacsatada Oo Ka Wadahadlay Amaanka Suuqa Bakaaraha

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka amniga Qaranka ayaa kulan looga hadlayay qaabka la iskaga kaashankaro amniga dalka la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Kulanka uu wasiirka Amniga Qaranka la qaatay ganacsatada ayaa looga hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka suuqa weyn ee Bakaaraha iyo sidii ganacsatadu ay gacan uga geysan lahaayeen sugidda ammaanka.

Qaar ka mid ah ganacsatadii kulankaasi ka qeybgashay ayaa sheegay iney isku afgarteen wasaaradda amniga sidii ay wax uga qaban laheynd ammaanka, iyagoo balan qaadeen in ay gacan weyn ka geysandoonaan arrinaasi.

Wasiirka amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ganacsatada ay isku afgarteen iney kaalin wax ku ool ah ka qaataan adkeynta mmaanka, isagoo tilmaamay in kulanka ay ka soo qeybgaleeen qeybaha kala duwan ee ganacsatada.

Wasiir Guuleed ayaa daboolka ka qaaday inuu sii wadi doono kulamada noocan oo kale ah oo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay uga qaataan talooyin la xiriira ammaanka iyo sidii wasaaraddu u xallin laheyd dhibaatooyinka heysta bulshada.

Wasiirka oo kulan la qaatay xubnaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada inay ka qeyb-qaataan dedaalka loogu jiro sugidda amniga Suuqa Bakaaraha.
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aaden oo ku hadlayay magaca ganacsatada ayaa ballan-qaaday inay la shaqeyn doonaan wasaaradda amniga qaranka, isla markaana ay ka qeyb-qaadan doonaan sugidda amniga suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa waxaa Suuqa Bakaaraha ka dhacay dhac hubeysan oo ilaa $50 kun oo dollar looga dhacay midka ka mid ah shirkadaha ganacsiga Muqdisho.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!