
Kulankan ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Amniga Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaana la isku weydaarsaday talooyin dhinaca amniga iyo sidii laamaha ammaanka dowladda ay khibrado dhinaca amniga uga kororsan lahaayeen kuwa Masar
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha la dagaalanka argagixisada, iyadoo dowladda Masar dagaal kula jirto ururo hubeysan oo fadhigoodu yahay waqooyiga gacanka Sinai
Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in laamaha amniga Soomaaliya uga faa’ideysan karaan khibradaha iyo aqoonta ay leeyihiin hey’adaha amniga Masar.
Dhinaca kale Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa la kulmay Taliyaha Booliska Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii iskaashi u dhex mari lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Masar.
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska ayaa la guddoonsiiyay bilado, waxaana wasiirka arrimaha gudaha Masar in Soomaaliya ay taageero siinayaan hey’adaha amniga Soomaaliya.