Wasiirka Amniga: Afar nin ayaa loo qabtay qaraxii hotel Maka Almukarama

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in gacanta lagu hayo ilaa 4 nin oo sida uu tilmaamay ka dambeysay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo fiidnimadii xalay lagu weeraray hotel Maka Al Mukarama ee Muqdisho.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir ayuu wasiirku sheegay ku soo qab qabteen afar ka mid ah Al Shabaab.

“Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida waxay si geesinimo leh uga hortageen weerarkii xalay, una fashiliyeen, waxaa la soo qabtay afartii nin ee Shabaabka ahaa ee gaariga ay wareen ku qarxiyay dhabarka dambe ee Hotelka”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

 

C/razaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in afarta ruux ee la qabtay lagu hayo xabsiyada laamaha amaanka, halkaasna lagu hayo baaritaano dheeraad ah.

Markii uu xalay qarax gaari ka dhacay albaabka dambe ee hotelka Maka Almukarrama ayaa laamaha amaanku sheegeen iney hayaan mid ka mid ah raggii watay gaariga is qarxiyey.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %