Wasiirka A.Dibadda Somalia oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee QM + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka A.Dibadda Somalia oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee QM + Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Cawad Ciise oo khudbad ka jeediyey shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kahadlay arrimo dhor ah oo la xiriira dhinacyo ay kamid yihiin Siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa khudbadiisa si gaar ah diiradda ugu saarray horumarada nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha oo Dowladda Federaalka ay ka guul keentay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in horumaro weyn laga sameeyey dhinaca amniga, iyadoo arintaasi ay iska kaashanayaan ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Mudane Axmed Ciise Cawad  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka in cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya uu ka qaado Golaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!