Wasiirka 1waad C/weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo dhoweyn ballaaran loogu sameeyey Kismaayo (Sawiro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka 1waad C/weli iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo dhoweyn ballaaran loogu sameeyey Kismaayo (Sawiro)

_booqasho_kismayorw_2_booqasho_kismayorw_1Mareeg.com-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kuxigeenkiisa iyo saraakiil sare sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xildhibaano,Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo lataliyeyaal, waxaana inta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku sugan yahay Kismaayo uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jubooyinka, hogaamiyeyaasha maamulka, saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga, iyo saraakiisha AMISOM, isaga oo kala hadli doona xoojinta amniga, iyo
horumarinta degaanada Jubooyinka ee dhinacyada dib u dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubba, iyaga oo kulan gaar ah wada qaatay, waxayna kadib warbaahinta si wadajir ah ugu qabteen shir jaraa’id.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu horeyntii sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaankeeda, wuxuuna tilmaamay in Muqdisho iyo Kismaayo ay yihiin mataano.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hogaanka Jubbooyinku u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna
tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxaan salaan diiran idiinkaga wadaa madaxweynaha dawladda federaalka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda federaalku ay diirada saareyso sidii goboladan loo xasilin lahaa, loogana xoreyn lahaa degaanada ay weli ku harsan yihiin kooxaha
nabadiidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamada ugu horeeya maalinta berri ah la yeelan doona hogaamiyeyaasha maamulka Jubba, wuxuuna kala hadli doonaa dardargelinta iyo meel marinta heshiiskii Addis Ababa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!