Wasiirada Soomaaliya oo meel mariyey hindise sharciyeedka canshuuraha barriga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirada Soomaaliya oo meel mariyey hindise sharciyeedka canshuuraha barriga

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu ansixinayey hindisi sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ferderaalka ee Soomaaliya, ayaa kaddib dood ay yeesheen waxa ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen hindise-sharciyadeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu.

Xukuumadda ayaa fileysa in tallaabadan ay wax ka tari doonto dadaalka ay ugu jirto kor-u-qaadista dakhliga Dowladda si adeeggaasi loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Canshuuraha berriga ee ay qaaddo dowladdu ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah canshuuraha toosan iyo kuwa dadban.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in si loo taabbageliyo dowladnimad Soomaaliya loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.

“Dakhligu ahmiyad weyn ayuu u leeyahay dowladda iyo dadaalkeeda ku aaddan soo celinta amniga, si dakhligeenu u kordho, dadkana loo gaarsiiyo adeeg bulsho waxaa looga baahan yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa raaciyay “Sanadkan 2014, dowladdu waxa ay muhiimadda kowaad siineysaa 3 arrimood oo kala ah amni, dakhliga iyo hay’do dowladeed oo shaqaynaya. Dakhliga dowladda oo kordha waxa ay keeneysaa adeegyo bulsho”.

Xukuumadda Soomaaliya ee dhawaan lasoo dhisay ayaa wada qorshe-yaal wax kor loogu qaadayo wada shaqeynta dowladda iyo dadweynaha.

Faafin: Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!