Wasiirada difaaca Soomaliya iyo Turkiga oo ku kulmay Ankara (Sawirro)

Mareeg.com: Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Xassan Xaamud oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Ankara ee Caasimada Wadanka Turkiga ayaa halkaasi kula kulmay dhgiisa dalkaas, Cismad Yalmas.

Wasiirka iyo wafdii uu hogaaminayo oo shalay gaaray dalka Turkiga ayaa u jeeddada socdaalkooda la xiriirto xoojinta xiriirka iskaashi ee ay kal hore kala saxiixdeen dowladda gaar ahaan tan labada Wasaaradood.

Labadaan mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ku saabsan siidi Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ay gacan uga geysan lahayd dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Turkiga Cismad Yalmas ayaa dhankiisa balan qaaday in uu gacan ka geysan doono dadaallada ay Wasaaradda difaaca ee Soomaaliya ugu jirto dib u soo nooleynta sharafkii ay lahaayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo dib u dhiskooda.

Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa Maalinta berri in ay u duulaan Magaalada Istanbul, ayagoona halkaasi kula kulmi doona mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horay u kala saxiixday heshiis lagu caawinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana dalkaas tababar dhowr jeer loogu qaaday qaar ka mid ah askarta dowladda.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245