Wasiirada arrimaha gudaha iyo qorsheynta Soomaaliya oo gaaray Cadaado * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirada arrimaha gudaha iyo qorsheynta Soomaaliya oo gaaray Cadaado

Mareeg.com: Xubno ka tirsan golaha wasirrada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan wasiirrada arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo Wasiirka qorsheynta qaranka iyo iskaashiga C/raxmaan Yuusuf Cali Cayte ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Waxaa sidoo kale wafdiga la socday Madaxwaynaha maamulka Ximan iyo xeeb  C/laahi Cali Maxamed  Baarleeex.

Waftiga waxaa garoonka Cadaado ku qaabilay Madaxwayne Ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan (Cabdi kuus), Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliyay (Cirfo) iyo xubno ka socday maamulka Ximan iyo Xeeb.

Mas’uuliyiinta ayaa Cadaado u tagay inay ka qayb-qaataan daadaallada dib u heshiisiineed iyo dhismaha maamulka ay yeelanayaan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ka socda gobolka Galagaduud.

Wafdiga ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiga farsamada maamul u samaynta gobollada dhexe ee ay horay u dhistay dowladda Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu warbaahinta la hadlo marka uu soo idlaado kulankaasi.

Shirka Cadaado ayaa weli dhaqaaqi la’ iyadoo ay hareeyeen khilaafaad beelaha ka dhex jira iyo mid u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin maamula xil ka doonaya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More