Wasiirada Arrimaha Debadda Somalia & Yemen oo ku shiray magaalada Sanca * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirada Arrimaha Debadda Somalia & Yemen oo ku shiray magaalada Sanca

Sanaa, November 25, 2014 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kula kulmay Magaalada Sanaa ee Caasimadda Yemen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen H.E. Ambassador. Abdullah Mohamed Al-sayadi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed, iskaashiga dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo ammaan ee ka dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kaga mahad-celiyay dowladda Yemen marti-sooridda malaayiin qaxooti Soomaali ah iyo siyaasadeeda ku aadan la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeeda, isagoo muujiyay in dalkiisu diyaar u yahay iskaashi balaaran oo dhinacyo badan leh oo uu la sameeyo Yemen .

Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa u rajeeyay dowladda iyo Shacabka Yemen in qalalaasaha ammaan iyo siyaasad ay kaga baxaan dib u heshiisiin iyo bah-wadaag siyaasadeed oo dhab ah , isagoo xusay muhiimadda dalkiisu u leeyahay deganaansho siyaasadeed iyo mid ammaan oo ka dhaqan-gasha dalka Yemen.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen, Amb. Abdullah Mohamed Al-sayadi ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay tahay dowlad saaxiib ah, walaal ah, ayna filanayaan inay dib uga soo kabato marxaladihii kala duwanaa ee dagaalada iyo abaaraha.

Amb. Abdullah Al-sayadi waxa uu ammaanay guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay la dagaalanka argagaxisada, dib u heshiisiinta, dowlad wanaaga  iyo fidinta awoodaha federaalka.

Kulankani ayaa waxaa dhanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku wehlinayay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda, Siihayaha cusub Safaaradda Soomaaliya ee Sanaa,Yemen Hussein Sufi  iyo Qunsulka guud ee Aden ahna Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Sanaa,Yemen, Ahmed Abdi Hassan, halka dhanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen kulanka ay ku wehlinayeen Lataliyaha Wasiirka ahna Safiirkii hore ee Yemen u qaabilsanaa Soomaaliya amb.

Ahmed Hamid Omar, Siihayaha Safaaradda Yemen ee Mogadishu, Somalia amb. Fuad Mohamed Alzurqah iyo Siihayaha agaasimaha waaxda Afrika ahna uqeybsanaha hab maamuuska Hamud Mohamed Algazali.

Kulankani ayaa ku dhammaaday jawi isfaham leh .

Isha: Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!