Wasiirada Arrimaha Debadda IGAD oo ku shiraya Muqdisho & Amaanka oo la adkeynayo

Read Time:1 Minute, 13 Second

Mareeg.com: Wasiirada Arrimaha Debadda Urur Goboleedka IGAD ayaa la filayaa iney todobaadka soo socda shir ku yeeshaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa durba bilowday qorshaha lagu xaqiijinayo amaanka caaismadda, ka hor qabsoomidda shirka IGAD ee Muqdisho..

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ammaanka Caasimada sare loo qaadi doono, iyadoo ciidamadana ay feejignaan dheeri ah geli doonaan.

Waxaa la qorsheeyey in la xiro wadooyinka muhiimka ah iyo kuwa ku dhow goobta shirka lagu qaban doono. Wadooyinka la xirayo waxaa ka mid ah wadada Maka Almukarrama, iyo wadada garoonka tagta, waddooyinka mara hareeraha madaxtooyada.

Gudiyo isugu jira mid amni iyo gudiga qaban qaabada shirka ayaa la sameeyay, kuwaasoo sii diyaariyay goobta shirka uu ka dhici doono, waxaana aban qaabada ay tahay mid aad u heer sareysa oo ka duwan kuwii hore.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa markii u horeysay ka dhici doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib 25 sano, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay yimaadaan Muqdisho, Wasiirada Arrimaha Dibada dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Sudan, iyo Koofurta Sudan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka furi doono, maadaama ay tahay markii u horeysay oo Soomaaliya lagu qaban doono shirkan.

Amaanka Muuqdisho ayaa ah mid soo hagaagaya inkastoo ay weli ka dhacaan weeraro ay fuliyaan Alshabaab, waxaana horay Muqdisho u yimid madaxweynaha Tyrkiga Rajab Dayib Erdogan iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %