Wasiir Xundubey oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar

Read Time:36 Second

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Shiikh Khaalid bin Khaliifa bin C/Caziiz Al Thaani ayaa xafiiskiisa Ku qaabilay Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xuntubey Jimcaale, waxa ayna ka wada hadlen kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar.

“Waxana aan ka wada hadalnay is kaashiga amniga ee laba dal ee Soomaalia iyo Qatar, anigoo kaga mahadceliyay tageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo xakuumada soomaaliya,”wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale.

Wasiirka amniga ayaa maalmahan ku sugnaa dalkaas ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac gaar ahaan nabad geliyada.

Dowladda Qatar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan dhinacyo kala duwan, waxaana Qatar ay dowladda Federaalka ka taageertaa dhinacyo farabadan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.