Wasiir: Xalka Kulmiye waa iney tartamaan Siilaanyo & Biixi

Hargeysa – Mareeg.com: Wasiirka cadaalada maamulka Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in xalka qura ee khilaafka KULMIYE uu ku dhamaan karo uu yahay in tartan uu xisbiga dhexdiisa uu ku maro Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Cadaalada oo shalay ka qayb galay dood adag oo dhex martay isaga iyo masuuliyiin kale ka tirsan garabka Muuse Biixi oo ay qabatay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in uu Muuse Biixi ugu hambalyeynaayo in uu la tartamo madaxweynaha dalka, waxaana uu carabka uu ku dhuftay in ay si aad ah u soo dhawaynayaan.

“Guddoomiyaha xisbiga, waanu ku hambalyeynaynaa inuu madaxwaynaha la tartamayo, waanuna ku soo dhaweynaynaa, waana midda qudha ee aanu doonayno inuu xalku ku dhamaado” ayuu yiri wasiirka cadaalada Somaliland Axmed Ceydiid.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa qudhiisu dhawaan shaaciyey inuu diyaar u yahay inuu la tartamo Muuse Biixi oo ka wada tirsan yihiin xisbgiga Kulmiye.

Khalilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanmyo iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa ku saleysan cidda xilka madaxweynaha ugu tartameysa xisbiga ay kawada tirsan yihiin ee Kulmiye.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245