Wasiir Xaamud: Cunaqabateynta hubka ayaa naga hortaagan dhismaha ciidan tayo leh * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Xaamud: Cunaqabateynta hubka ayaa naga hortaagan dhismaha ciidan tayo leh

Mareeg.com: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka hadlay dedaalka ay ku doonayaan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya, isagoo dhanka kalana sheegay iney la kulmayaan caqabado ka dhalanaya cunaqabateynta hubka ee dalka saran.

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa sheegay in wasaaraddu qorsheyneyso dhismaha ciidan leh tababar iyo farsamo casri ah, islamarkaana ku filan ilaalinta xuduudaha dalkeena, bad, berri iyo cirkaba.

“Siyaasadda wasaaradda Gaashaandhigga waa dhismaha ciidan laga soo qoray gobollada dalka oo dhan, kaas oo leh awood oo ku ilaaliyo xuduudaha dalkeena, horumarka dalkuna waxa uu ku xiranyahay dib u dhiska ciidanka XDS” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku muujiyay in dhismaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay caqabad ku tahay xayiraada dhanka hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya.

“Dowladda cunaqabateen ayaa saaran dagaal culusna wey ku jirtaa goormee ciidan dhiseynaa wey adag tahay dabcan laakiin dadaalkii waan wadnaa oo ciidamadeena kala duwan waan dhisanaynaa” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dalka.

Soomaaliya ayaa leh ciidan aan weli isku filneyn, weliba wajahaya dagaal ay kala horimaanayaan kooxo ku xiran Alqaacidda oo leh tababar sare.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!