Wasiir Odawaa oo kormeeray hoolka shirka G. Dhexe

Read Time:52 Second

Mareeg.com: Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa kormeeray xarumaha loogu talagalay qabashada shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiir Odowaa ayaa tilmaamay in diyaar garow wanaagsan uu ka muuqdo magaalada Cadaado oo lagu qaban doono shirka, isagoo xusay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu masuuliyad iska saaray sidii loo qaban lahaa shir mira dhal ah oo maamul loogu dhiso labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud.

Wuxuu sheegay in amniga magaalada aad loo adkeeyay, si shirka uu u noqdo mid kasoo baxa natiijo ka dhalata maamul mideysan oo ay yeeshaan labada gobol.

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa xusay inay dadaal badan ku bixiyeen diyaar garowga iyo marti gelinta shirka lagu wado toddobaadkan inuu ka furmo magaalada Cadaado ee xarunta maamulka.

Shirka maamul u sameynta Galgaduud iyo Mudug ayaa lagu wadaa inuu dhawana ka furmo degmada Cadaado, kadib muran muddo dheer ka jiray halka shirkaas lagu qabanayo.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.