Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oo Maanta Hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oo Maanta Hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Dalka

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa Maanta Xaruntooda Muqdisho,waxa ku yeesheen kalfadhiga labaad,iyo kal fadhigiisi 16-aad,kaa oo uu Shir gudoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Xildhibaanada Aqalka ee dalka Abshir Bukhaari.

Kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa Maanta waxa hor imaaday Wasiirka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ,iyadoona ay soo xaadiren inta Badan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka ayaa intooda badan maanta waxa ay s’aallo ku aadan Waxqabadka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay weydiyeen Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad oo hortahay Xubnaha Aqalka Sare.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dalka Waxqabadka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada islamarkaana waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Soomaaliya ay dhawaan la soo wareegi doonto Hawada Soomaaliya,waxana uuna tibaaxay Wasiirka in dowlada Soomaaliya ay Sanadka 2018-ka ku rajo weyn tahay in Hawada Soomaaliya ay la soo wareegto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!