Wasiir Maanta Hortagaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Maanta Hortagaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka maanta oo axad  ayaa ah Su’aal oraaheed, Ku abaaran Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaliya.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore ka dalbaday Guddoonka Golaha shacabka in la horkeeno wasiir Xoosh kaasi oo lagu haysto qoraal oo kaga soo horjeedo go’aankii Baarlamanka Soomaaliya ay ka qaateen murankii ka taagnaa 8-da kursi ee Xildhibaanada aqalka Hoose oo wasiirka uu ku tilmaamay mid aan sharci aheyn.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuuamadda federaalka Soomaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hortagaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya,waxaana lagu wadaa in uu ka  jawaabo su’aalo kala duwan ay weydiin doonaan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!