
muqdisho ( mareeg news ) warqado Dacwad ka ah ayaa loo soo gudbiyay maanta Golaha adeega Dadweeynaha ee Baarlamaanka Federalka soomaaliya.
Dacwadan ayaa laga soo gudbiyay wisiirka waxbarashada xukuumada federalka soomaaliya Dr. Abdirahman Dahir osman oo ay dacwad oogayaashu ku eedeeyeen inuu iibsaday dugsi sare oo ku yaala dagmada waabari ee magaalada muqdisho.
Waraqadan oo ay soo qoreen maamulka dugsiga ayaa lagu cadeeyay in wasiirku uu iibsaday dugsiga sare waaberi ee magalada muqdisho , Sida ku cad waraqada maanta la hor keenay Gudiga adeega Bulshada ee Baarlamaanka JFS ayaa lagu sheegay in wasiirka qof saaxiib la ah uu gar wadeen ka ahaa Arinka iibinta dugsigan.
Gudiga ayaa warqad u diray wasiirka taas oo ay uga dalbanayaan inuu hor imaafo gudiga si wax looga weeydiiyo eedeymaha la horkeenay gudiga.