Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Yemen

Muqdisho, December 08, 2016 – Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “kadiye” ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Fadal Ali Alhanak.

Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiir kuxigeenku la yeeshay kulan gaar ah Danjire Fadal Alhanak oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka , arrimaha qaxootiga iyo ammaanka.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Yemen uu si rasmi ah u bilowday December 18, 1960.

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Yemen xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag iyo derisnimo

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!