Wasiir kursi xildhiban ku Iibsaday $250 kun & Jago Qunsulnimo Oo kursigii ku guuleystay

Read Time:1 Minute, 14 Second

Muqdisho (Mareeg News )– Sida ay sheegeen ilo Xogogaal ah , Dhahar Cali Faarax oo ahaa mudane ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka tagay kursigisii xildhibaanimo, si uu booskaas u qaato wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo ay qaraabo yihiin.

Dhahar Cali Faarax waxaa la sheegay inuu booskaas ku iibsaday lacag dhan $250  (labo boqol iyo konton kun) oo dollar, waxaana uu ka iibsaday wasiir Jamaal.

Labada nin waxaa ay kasoo wada jeedaan beesha Warsangali Daarood, waxaana doorashada kursigaan ay ka dhici doontaa magaalada Garoowe.



 

Dhahar ayaa lacagta kasokoow waxaa uu heystay balan-qaad ah in laga dhigi doono qunsul safaaradeed.

Sida ay xogta ku heshay shabakada mareeg, waxaa dhahar cali faarax loo magacaabay qunsulka safaarada soomaaliya ee dalka jabuuti.

Ra’iisul wasaare kheyre ayaa inta badan golihiisa wasiirada ku amray iney xldhibaanimo raadsadaan ama uu ka saari doono golaha wasiirada.

Kheyre wuxuu aaminsan yahay in xukuumadiisu ay is difaaci doonto hadii mooshin la keeno.

Xukuumada Kheyre hada 80% waa xildhibaano, waxaana uu wali wadaa qorshihii uu 100% xukuumadiisa kaga dhigi lahaa xildhibaano.



Wasiirka Qoraheenta JFS jamaal  maxamed xassan ayaa maanta ku guuleystay kursigii uu ku badashay  lacag dhan $250  (labo boqol iyo konton kun) oo dollar, iyo Balanqaad uu u saneeyay xildhibaankii is casilay Oo aheeyd in laga dhigi doono Qunsulka safaarada jabuuti ee soomaaliya , Shagisaas wuxuu cadaan donaa marka Qunsul loo magacaabo xildhibaankii is casilay.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %