Wasiir ku xigeenka arrimaha debadda Taliyaaniga oo booqday Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Wasiirka ku xigeenka arrimaha debadda Taliyaaniga, Lapo Pistelli ayaa booqasho ku tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qasriga Jamhuuriyadda “Villa Somalia” si kala gaargaar ah ugu qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Lapo Pistelli oo booqasho hal cisho ah ku joogay caasimadda Muqdisho.

Kulamada madaxda dowladda kahor, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha wafdiga ka socda dowladda Italy, isagoo kulan gaar ah kula qaatay qeybta VIP Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Italy Lapo Pistelli, waxaana fadhigaasi goob ka kala ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Italia ambassador Muuse Xasan Cabdulle iyo Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya ambassador Fabrizio Marcelli .

Kulankani ayaa waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka, kobcinta iskaashiga labada dal u dhaxeeya, taageeridda hey’adaha dowladda, dowlad wanaaga, fulinta mashaariic horumarineed, la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cumaasn Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kala gaar gaar ah xafiisyadooda ugu kala qaabilay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga iyo wafdigiisa.

Tali

Madaxda qaranka, waxa ay muujiyeen in Soomaaliya ay ka filaneyso dowladda Talyaaniga kaalin balaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Lapo Pistelli oo gaba-gabadii kulamadaasi shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Xarunta Madaxtooyada, ayaa waxa uu Wasiir Beileh ka sheekeeyay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalka iyo dadka Talyaaniga, isagoo ku baaqay in xiriirkaasi la xoojiyo.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga waxa uu ka sheegay halkaasi in Soomaaliya uu yahay dal muhiim u ah caalamka, nabadiisa iyo horumarkiisana ay farxad gelineyso dunida oo dhan, isagoo sheegay in dowladda Talyaaniga marnaba aaney gacmaha ka laaban taageeridda dowladda iyo caawinta shacabka Soomaaliyeed.

DHAMAAD

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245