Wasiir ku xigeenka arrimaha debadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Finland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir ku xigeenka arrimaha debadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Finland

Helsinki, October 26, 2014- Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mahad Mohamed Salad ayaa booqasho ku jooga Magaalada Helsinki ee Caasimadda Finland, ayaa halkaasi oo uu kulan gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland Erkki Tuomioja oo xubinna ka ah baarlamaanka dalkaasi, waxeyna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wasiir ku xigeenka waxa kale uu la kulmay ergeyga dowladda Finland u qaabilsan Soomaaliya, isagoo sidoo kale khudbad ka jeediyay fadhi ay lahaayeen baarlamaanka Finland oo uu kaga hadlay horumarrada Soomaaliya ay ku tallaabsatay dhinacyada nabadgelyada, dowlad wanaaga iyo la dagaalanka argagaxisada.

Mahad Mohamed Salad, ayaa kulan balaaran la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ku nool oo uu ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo maalgashiga dalka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo xoojinaya dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso maamul sal balaaran oo heer Xukuumad goboleed ah oo ka dhaqan-gala gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxa uu kula kulmay Magaalada Helsinki Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda goboladaasi, isagoo u sharaxay heerarka kala duwan iyo marxaladda ay xilligan mareyso madasha nabadeed ee lagu dhisayo maamul sal adag oo gobolada dhexe ay yeeshaan.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, Mahad Mohamed Salad waxa kale oo uu la kulmay madaxda sare ee hey’adda horumarinta u qaabilsan dowladda Finland oo uu ugu baaqay inay mashaariic balaaran oo horumarin ay ka hirgeliyaan dalka Soomaaliya oo xilligan ka soo kabanaya dagaalo in muddo ah dib u dhigay horumarka iyo wax soo saarka dalka .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!