Wasiir ku xigeen tirsan maamulka Juba oo ku dhaawacmay shil gaari

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Masuuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ku dhaawacmay shil gaari. Mas;uulka dhaawacmay waxaa lagu magacaabaa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ah Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha iyo Amniga Maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay in xilliga uu shilka dhacayay uu ka soo socday dalka Itoobiya kuna sii jeeday Magaalada Kismaayo, waxaana gaari uu la socday shil ku galay meel u dhow Dooloow xadka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Dhaawaca wasiir ku xigeenkan ka tirsan maamulka Juba ayaa la sheegay in la dhigay Isbitaal ay leeyihiin ciidamada milateriga Itoobiya.

Mas’uulkan ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo jab ah, wararka qaar sheegaya inuu lug ka jabay, halka kuwa kale sheegayaan inuu ka jabay mid ka mid ah labada garab.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.