Wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo lagu xiray Itoobiya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo lagu xiray Itoobiya

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana ah xubin baarlamaan.

Wasiirka ku xigeenka la xiray ayaa magacaiisa lagu sheegay, Xirsi Aadan Roobe, kaasoo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.

Cabdi Abshir Dhoore oo kamid ahaa baarlamaankii hore KMG  ee Soomaaliya ayaa Radio KNN u sheegay in  Xirsi Aadan Rooble oo ah Mudane katirsan Baarlamaanka iyo Wasiir Kuxigeen lagu xiray dalka Itoobiya.

Lama oga sababta loo xiray xildhibaankaas, hadana ah wasiie ku xigeen ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in la xiray xilli uu doonayey sameysashada baasaboor Itoobiyaan ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!