Wasiir ku geeriyooday Magaalada Garoowe iyo Madaxweynaha oo War soo saaray

Read Time:43 Second

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa gelinkii dambe ee Maanta ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada Puntland Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii ugu horeeyay ee Arrimaha Bulshada Puntland Dr Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

Dr Yaasiin Faarax Cartan ayaa kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo ka mid noqday Sagaalkii Wasiir ee lagu aasaasay Puntland, sidoo kale wuxuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %