Wasiir Katirsan Xukumada Oo Xildhibaan uga Badashay kursigiisa $250 kun & Jago Qunsulnimo — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Katirsan Xukumada Oo Xildhibaan uga Badashay kursigiisa $250 kun & Jago Qunsulnimo

Muqdisho (Mareeg News )– Sida ay sheegeen ilo Xogogaal ah , Dhahar Cali Faarax oo ahaa mudane ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka tagay kursigisii xildhibaanimo, si uu booskaas u qaato wasiirka qorsheynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo ay qaraabo yihiin.

Dhahar Cali Faarax waxaa la sheegay inuu booskaas ku iibsaday lacag dhan $250  (labo boqol iyo konton kun) oo dollar, waxaana uu ka iibsaday wasiir Jamaal.

Labada nin waxaa ay kasoo wada jeedaan beesha Warsangali Daarood, waxaana doorashada kursigaan ay ka dhici doontaa magaalada Garoowe.

Xasan shiiq miyaa doqon ah mise shacbigaa umul ah?

Dhahar ayaa lacagta kasokoow waxaa uu heystay balan-qaad ah in laga dhigi doono qunsul safaaradeed.

Sida ay xogta ku heshay shabakada mareeg, waxaa dhahar cali faarax loo magacaabay qunsulka safaarada soomaaliya ee dalka jabuuti.

Dhahar ayaa dad saaxiibadiis ah u sheegay in mar walba uu ogyahay in kursigaan uusan dib u heli doonin uuna ku qasbanaa inuu iibsado.

Ra’iisul wasaare kheyre ayaa inta badan golihiisa wasiirada ku amray iney xldhibaanimo raadsadaan ama uu ka saari doono golaha wasiirada.

Kheyre wuxuu aaminsan yahay in xukuumadiisu ay is difaaci doonto hadii mooshin la keeno.

Xukuumada Kheyre hada 80% waa xildhibaano, waxaana uu wali wadaa qorshihii uu 100% xukuumadiisa kaga dhigi lahaa xildhibaano.

XASAASI:- Arin lama filaan ah oo kusoo Wajahan Shacabka Muqdisho iyo magaalooyin dhowr ah

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!