Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo gaaray Buuhoodle xilli uu joogo Cali Khaliif Galeyr * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo gaaray Buuhoodle xilli uu joogo Cali Khaliif Galeyr

Buuhoodle – Mareeg.com: Wasiirka caafimaadka maamulka Somaliland, Suleymaan Ciise (Xagla-toosiye) ayaa gaaray degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, xilli ay halkaasi ka jiraan xiisado colaadeed.

Buuhoodle

Safarka Xagla-toosiye ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacinin, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay oo ku aaddan sababaha socdaalkiisa Buuhoodle.

Waxaa meesha ka baxay cabsi laga qabay inuu halkaas ka dhaco iska horimaad u dhaxeeya maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidamada uu watay Xagla-toosiye.

11

Lama cadeyn sababta Xagla-toosiye u tegay degmada Buuhuudle, halkaasoo dadka degan ay raacsan yihiin fekirka midnimada Soomaaliya, halkas isagu inkastoo uu deegaanka kazoo jeedo uu ka mid ah noqday xukuumadda Somaliland ee gooni u goosadka ah.

Safarka wasiirka caafimaadka ee maamulka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli degmada Buuhoodle uu ku sugan yahay xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Suleymaan Ciise (Xagla-toosiye) ayaa horay u ahaa gudoomiyaha Jabhad la oran jiray SSC, wuxuuna muddo dagaal kula jiray Somaliland, hase ahaatee wadahadal markii uu dambe uu la galay Somaliland ayaa keenay inuu Hargeysa tago, islamarkaana ka mid noqodo xukuumadda Somaliland ee Axmed Siilaanyo hogaamiyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!