Wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland oo is casiley

Read Time:48 Second

Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad goboleeda Jubaland Aadan Aw-Xersi ayaa Goordow waxaa uu ku dhawaaqay in uu iska casiley xilkii uu ka haayey maamulkaas.

Sababaha uu isku casiley ayuu ku sheegay,kadib qoraal uu soo dhigey bartiisa twitter-ka in uusan diyaar u aheyn maamul u dabaal-degay Nin dambiyo geystay oo uu ula jeeday Cabdi Rashii Janan.

“Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii Wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta Jubaland. Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga ayuu yiri” Aw-Xersi

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxda Sare ee Dowlad goboleedka Jubbaland uag mahad celiyey fursada ay u siiyeen in uu kamid noqdo Golaha Wasiirada Maamulkaas si uu dadkiisa ugu Shaqeeyo.

Madaxda Sare ee maamulka Jubbaland weli wax war ah dhankooda kama soo bixin ee ku aadan is casilaada Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta ee Dowlad goboleeda Jubaland Aadan Aw-Xersi

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %