Wararka aan caawa ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi uu ku xiran yahay wasiir ka tirsan maamulka Galmudug.
Ciidanka nadab sugdiga maamulka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Galmudug Maxamed Maxamuud Guure.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in wasiirka uu ka dambeeyay weerar maanta lagu qaaday xarunta ay ka socoto Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta Doorashooyinka ee Galmudug ayaa waxaa la sheegay in uu san sababin wax khasaaro ah,
Maamul Goboleedka Galmudug weli wax war ah kama soo saarin xariga Wasiirka maanta lagu xiray Magaalada Cadaado.