Wasiir Ka Badbaaday Shil Gaari Iyo shaki Xoogan Oo kadhashay arinkaas — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiir Ka Badbaaday Shil Gaari Iyo shaki Xoogan Oo kadhashay arinkaas

Muqdisho ( mareeg News ) Gaari nuuca Raaxada ayaa xalay lagu dhuftay Gaari kale uu watay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya Eng Saalax Shiikh Cusmaan sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Shilka ayaa ka dhacay meel uy dhaw Dhismihii Wasaaradda amniga Soomaaliya ama Ex Gurigii Maxamed Dheere oo u dhaw Is goyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, ma jirto wax khasaare ah oo ka soo gaaray Wasiirkii hore ee Howlaga Guud Eng Saalax Shiikh Cusmaan

Qofka Geeriyooday ayaa la sheegay inuu saarnaa Mooto Bajaaj Islamarkaana uu ku dhacay mid ka mid ah Gawaaridii isku dhacday, hay’adaha amaanka ayaa sheegay iney Baarayaan in kiiskaan uu ahaa ku talagal lagu damacsanaa in Wasiirka lagu qaarijiyo inuu ahaa shil dhacay sida ay hadalka u dhigayn.

Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Sooomaaliya Eng Saalax Shiikh Cusmaan oo aan saakay la xariirnay Telephone-kiisa kama jawaabin balse dadka deegaanka ayaa noo sheegay in muddo ay halkaasi ku xirneed Ciidamada amniga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!